ToggaHererNews.com » Shirkadda Dahabshiil waxay tusaale u tahay Ganacsiga Soomaalida ee ka soo doogey colaadaha
TOGGAHERER NEWS

Shirkadda Dahabshiil waxay tusaale u tahay Ganacsiga Soomaalida ee ka soo doogey colaadaha

Shirkadda Dahabshiil waxay tusaale u tahay Ganacsiga Soomaalida ee ka soo doogey colaadaha

 

(Waxa warbixin  xiiso badan ka qoray Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil, Mudane Cabdirashid MS Duale suxufiga Magnus Taylor  oo ah Royal African Society website manager & online editor. Waana tan)

 

Abdirashid Ducaale waa Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil. Dahabshiil waxay ka mid tahay shirkadaha u waaweyn caalamka ee dhinaca isu-gudbinta lacagaha, gaar ahaan Geeska Afrika.

 

Waxa aan la kulmay Cabdirashiid oo ku dhex jira isaga-gooshka hawleed ee xafiisyada shirkadda eek u kala London, Hargeysa iyo Dubai (oo xafiiskeeda u weyn ee labaad ah). Ducaale waxa uu tusaale u yahay  mudanka waxyaabaha Soomaalida dibedda u dhoofiso ee laga dheehdo kartideeda: ganacsigeeda miiggan ee firfircoon oo laga wada isla mar qudha xafiisyo caalamka ku kala baahsan oo ka abuura dhaqaale muuqda duruufo aan  ehel u ahayn ganacsiga oo adag.

 

Somaliland waxay ka taallaa gobollada Waqooyi ee Somalia. Waxay la soo noqotay xorriyadeeda sagaashameeyadii iyada oo si weyn ugu guulaysatay inay maamulato hawlaheeda ilaa xilligaas, in kasta oo aanay aqoonsi diblumaasiyadeed ka helin bulshada caalamka sida Qaramada Midoobey, oo dadka reer Somaliland aad uga biyo-diideen, kuna noqon karta laf dhuun gashay shirka Caalamiga ah ee Soomaalida loogu qabanyo London, saamaynna ku yeelan karta mustaqbalka Soomaalida, guud ahaanteedaba.

 

Haddii laga-maarmi waaga iyo daruuriyaddu tahay horseedka curinta, Dahabshiil baa u ah tusaale cad xikmaddaa. Inkasta oo shirkadda uu ku aasaasay Maamulaha Guud ganacsi guud toddobaataneeyadii, waxa la odhan karaa waxay aad u hanaqaaday ooo ay isu beddeshey qaabka ay hadda u shaqayso laga soo bilaabo dagaalladii sokeeye (ee siddeetanaadkii). Waxa uu Ducaale ii sheegay in duruufaha, fursadaha iyo caqabadaha isbedel ee colaadugu la yimaaddeen ay horseedday in ganacsigii qoyska iyo majarihiisii isla bedelo. Dadakii tirade badnaa ee dagaalladu barakiciyeen ayaa waxay u baahdeen la helo hilin lagu kala helo lacagaha la isu diro, gaar ahaan markii in badani gashay Yurub, Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Maraykanka oo ay daruuri noqotay inay dadkoodii ka dambeeyey sii hayaan xidhiidhkoodii oo wax u soo diraan. Sidaa ayaa isu-diridda lacaguhu u noqotay ganacsi muhim ah oo isla marka ah badbaadiye dhab ah oo aan nolosha aadamuhu ka maarmi Karin.

 

Waxa shirkaddu awood u yeelatay inay ka hawlgasho deegaamo iyo duruufo aan kuwa la tartami karaa qabatimi Karin, iyada oo si maalinle ah isu gudbineysa kumanaan xawaaladood oo karti iyo degdegsiinyo la yaable leh ku hirgala oo ay sumcad sare ku kasbatay shirkaddu.

 

Waxa uu Ducaale tilmaamay “maadaama aanu nahay Afrikaan, cidina nooga aqoon badna suuqa Afrika”.

 

Shirkadda Dahabshiil waxay marar badan ka hawlgashaa dhulalka Soomaalida qaybo aan dawlad adagi ka jirin. Sidaas oo ay tahay dadku mar walba nolol caadi ah ayuu rabaa oo la siman tan dunida kale: daryeel caafimaad, waxbarasho, koronto iyo hoy. Waxa uu Cabdirashid tilmaamay inay shirkaddu u adeegto bulshadaasi.

 

Cabdirashid waxa uu hoosta ka xarriiqaay in muddooyinkii ka dambeeyey 11 September 2001 ay adkaatay sidii looga shaqayn gudaha dhulalka Soomaalida sababta oo ah shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah ee xadeeya isu-gudubka lacagaha oo la adkeeyey, iyada oo taasi daruuri ka dhigtay in shirkadduna shraciyadeedii wax badan ku kaabto, hawlwadeennadeedana la daba joogto tababarro joogto ah si ay uga digtoonaadaan lacagaha si qaldan ama xaaraan ah u dhex mari kara shirkadda oo lagaba yaabo in qaarkood loo adeggsan karo kharbudaad.

 

“Inanu ku dhaqanno qawaaniinta caalamiga ah ee la xidhiidha isu-gudbinta lacagaha waa yoolkayaga kowaad. Run ahaantii inaanu baro dhaafinno si aan goldalooloba looga helin (sistamka) ayaannu bartilmaameedsanaynaa,” ayuu yidhi Cabdirashid, isaga oo dhoollacaddaynaya.

 

Shirkadda Dahabshiil waxa uu tusaale u yahay ganacsiga Soomaalida ee ka soo doogey colaadaha iyo degganaansha la’aanta ku habsaday bulshada soomaalida. Waxa shirkaddu kulansiisay aqoon iyo xirfad-yaqaannimo dibadeed, hanti ama maalgelin, iyo danayn dhab ah oo ay bulshada ay u adeegto u hayso. Ducaale waxa uu ii sheegay in macaamiisha deggan dibeduhu yihiin xoogga u badan ee maalgelin ku sameeya goobihii ay ka yimaaddeen oo, gaar ahaan, meelaha nabaddu ka hanoqaadday guriyaynta iyo dhismuhu aad xawli ugu socdo.

 

Bulshada ganacsatada ee Soomaalida ah loogama maarmo barnaamijyada lagu hormarinayo bulshada. Ducaale waxa uu aaminsan yahay in “dawladdu wax badan ka baran karto ganacsatada, oo haddaba wax badan ku celisa bulsha-weynta kale”. Waxa uu Cabdierashid aad ugu hanweyn yahay, ugana raalli yahay barnaamijyada horumarineed iyo taageero ee shirkadaha Dahabshiil dib ugu celiyaan macaamiishooda iyo bulshadaba. Waxa taageerada tooska ah ee Shirkadaha Dahabshiil bixiyaan u weheliya qaybinta mucaawinooyinka iyo gargaarrada hay’adaha caalamiga ahi, sida Qaramada Midoobey, Save the Children iyo Oxfam, u mariyaan bulshada si looga daryeelo adeegyada kala duwan.

 

Mar aan wax ka weydiiyey in bulshada ganacsatada ah ee Soomaalida lagu marti-qaaday shirka London, waxa uu yidhi “ma filayo” oo tusaysa sida caalamku aanu aad wax uga fahansanayn arrimaha Soomaalida, waayo waayoaragnimada Cabdirashid Ducaale u leeyahay dadkiisa oo kale ayaa wax weyn ka tari lahaa ka-soo-kabashada aqoondarrada innaga haysa qaddiyadaha Soomaalida.

 http://africanarguments.org/2012/02/20/making-money-in-somaliland-meeting-abdirashid-duale-ceo-dahabshiil-%E2%80%93-by-magnus-taylor/

 

Comments are closed.

Waraysiyada iyo dhacdooyinka
Qormooyin Khaas Ah