ToggaHererNews.com » Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Maanta ka hadlay Shirkii London .. Si muglehna uga hadlay Waxyaabaha u Qabsoomay Somaliland iyo Waxyaalaha ay uga baahantahay caalamka…. iyo Sidoo kale Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee Ku jiray Khudbadiisa. Toggaherer oo idiin haya Warkii Saxafadu Cadayn kari wayday ee ahaaAkhriso Daawona 
TOGGAHERER NEWS

Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Maanta ka hadlay Shirkii London .. Si muglehna uga hadlay Waxyaabaha u Qabsoomay Somaliland iyo Waxyaalaha ay uga baahantahay caalamka…. iyo Sidoo kale Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee Ku jiray Khudbadiisa. Toggaherer oo idiin haya Warkii Saxafadu Cadayn kari wayday ee ahaaAkhriso Daawona 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo Ayaan maanta ka hadlay Shirkii Ay isugu yimaadeenHogaaminayaasha Aduunka Iyo Kuwa Somalida iyo Somaliland.

Goobta oo ay ku sugnaayeen Afar iyo konton delegation oo ka socda dawlada Caalamka ayaa ka soo qayb galay waxaana saxaafada laga siidaayey in kooban taas oo intii kalena aanay saaxaafadu baahin waanay wada khudbadeeyeen 54 delegation ba.

Shirkan Ay ay ku wehelinaayeen Madaxweyhana Somaliland  Laba Wasiir Oo Kala ah Wasiirka Arimaha Dibada iyo Ka warfaafinta Ayaa waxa uu Madaxweynuha Kaga hadlay Dhinacyada Amaanka, Horumarka ,La dagaalanka Budhcad Badeeda iyo U diyaar ahaansha tacliin u siin lahaayeen walaalahooda Somaliyeed ee dagaalku aafeeyey.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaan Ugu horayntii Ka waramay dhinaca amaanka Somaliand  taaso oo madaxweyne Siiraanyo Uu  sheegay in ay Somaliland Horumar ka gaadhay dhinaca amaanka.

Mar uu ka hadlaayey Madaxweyne Siilaanyo Dhinacaa iyo dalka Somaliya waxa uu sheegay in Somaliland diyaar u yihiin in Marka Somaliya ay wax noqoto In Duruustii ay Somaliland Soo martay ee Aanu dib ugu heshiinay Ay naga faa`idaystaan oo ay diyaar u yihiin in waya aragnimadii ay ka soo barteen arimaha dagaalka Ay baraan .

Sidoo kale waxa uu Madaxeyne Siilaanyo Sheegay In hadii ay mucaawino uga baahdaan Walaalahooda Somaliyeed in ay gacan ka siin doonaan sida Nabagelyada loo adkayn lahaa.

Mar uu ka hadlaayey dhinaca Badda iyo budhcad badeeda  waxaa uu Madaxweyuhu ku Faanay in 850 km oo dhinaca bada ah oo Ay Somaliland leedahay ay ka xoreeyeen budhcad badeeda,  ilaa iminkana ay gaadh adag ka yihiin maraakiibata u kala gooshata, sidoo kalena waxa uu sheegay in 65(Shan iyo lixdan) Budhcad badeed ah ay soo qabqabteen iyada oo aanay cidina gacan ka siinin, taas oo uu ku sheegay in Somaliland Ay horumar ka gaadhay sidii ay ula dagaalami lahayd budhcad badeeda Somalida ee Baraystay in ay qafaashaan Maraakiibta U kala gooshaysa wadamada Aduunka.

Madaxweynaha ayaa mar uu ka hadlaayey Dhinca Xagjirnimada waxa uu tilmaamay in aan haba yaraatee Somaliland aanay joogin wax Xagjir ah oo reer Somalilandah oo ay nadiif ka yihiin dhinacaas.

Madaxweyhana Ayaa ugu dambayntii khudbadiisa ku soo gunaanaday maadama oo ay jiraan  wax yalahaa uu kur ku soo sheegay oo dhami in dhaqalaha lagu cawinaayo toos loo siiyo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Intii uu joogay Madasha shirka waxa uu la kulmay Madax Aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga kaas oo balan qaaday in dhawaan ay Somaliland imandoonaan Warti aad u sareeya , sidoo kale waxa uu madaxeyne Siiraanyo la kulamay Raisal wasaaraha Qatar oo sida runtii ah u sheegay madaxweynuhu in si kal iyo laab ah uu u soo dhaweeyey uuna u  saro kacay.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Arimaha Diabda Dr Maxmed Ayaa mar ay xalay la shireen Waxa uu u balan qaaday in uu Uu xafiis ka furanaayo Dalka uu Ra`isal wasaaraha u yahay ee Britain magaalada Hargaysa sidoo kale waxa uu si waafi ah ugu balan qaaday in uu deeqdii ay siin jireen Somaliland ay sii kordhinayaan ayna si toos ah u siinayaan oo aanay arintani waxba ka badalayn.

NB. Arintii ugu cajiibka badnayd waxay ahayd Markii Xalay la casho tagay madaxdii aduunku waxaa loo qaybiyey sadex miis 

* Miiska Madaxweynayaasha 

* Ka Ra`isal wasaarayaasha iyo wasiirada Arimaha Dibada.

*Miiska Staffka.

Madaxweyne Siilaanyo iyo Sh.Shirif Waxa ay wada fidhiisteen Miiska Madaxweynayaasha.

Halka Ra`isal Wasaare Cabdi Wali iyo Wasiirada Khaarajiga oo uu ku jiro Wasiirkeena Arimaha Dibadu ay wada Fadhiisteen Miiska darajada Labaad .

Galmudug State iyo Puntland madaxweynayaashii ka socdayna waxay fadhiisteen Miiska Darajada Sadexaaad. 

Arintasi Waxay si xun uga cadhaysiisay Madaxweynaha Puntland Mr Faroole  taas oo saaka waabarigii uu isticmaalayey kalmadaha ah Britian waxay samaysay laba dawladood Oo Somaliyeed iyo waxaan xaq ahayn ayey ku dhaqaaqaday xukumada Boqortoyada Ingiriisku.

Akhrisatayaan waxaan dhawaan idiinsoo gudbin doonaa Clip tii khudbada Madaxweynaha.

Warqabadka Togaherer

Ee Oslo

Comments are closed.

Waraysiyada iyo dhacdooyinka
Qormooyin Khaas Ah