ToggaHererNews.com » SHAKHSIYADDA TODDOBAADKA: Aqoon Intee Le’eg ayaad u Leedahay Shakhsiyadda Dhabta ee Dr. Gaboose?. DHEGEYSO: Barnaamijka Martida Toggaherer oo Digtoorku kaga Sheekaynayo Bogga Qarsoon ee Noloshiisa.
TOGGAHERER NEWS

SHAKHSIYADDA TODDOBAADKA: Aqoon Intee Le’eg ayaad u Leedahay Shakhsiyadda Dhabta ee Dr. Gaboose?. DHEGEYSO: Barnaamijka Martida Toggaherer oo Digtoorku kaga Sheekaynayo Bogga Qarsoon ee Noloshiisa.

SHAKHSIYADDA TODDOBAADKA:  Aqoon Intee Le’eg ayaad u Leedahay Shakhsiyadda Dhabta ee Dr. Gaboose?. DHEGEYSO: Barnaamijka Martida oo Digtoorku kaga Sheekaynayo Bogga Qarsoon ee Noloshiisa.

 

“Waa ku Gef Hogaan kasta oo Dalka Qabta in Dhalinayradii Isagoo Arkaya ay Saxaaraha ku wada Dhintaan ama Xabsiyada iyagoo Bahdilan ku Jiraan”

 

“Waxaan Ogaaday In Dhakhtarku  20-30 qof  oo Xanuunka kasoo qaadey Cillado Maamulka ka Yimi aanu Dawayn karin, Markaa waxaan is idhi……”

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.




Fadlan Mobilkaaga ku dhagayso Barnaamijkii Gaar Ahaa ee Martida Toggaherer Oo Maanat aanu idiinku hayno Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka UMADA DHagaysi Haboon

“Anigu Hadaan Doonayo inaan Guri Dhisto Gacantayda iyo Caqligayga ayaa Illaahay ii Barakeeyay Umadduna igu jeceshay, ee Anigu Meesha (Madaxweyne-nimada) u tegi Maayo inaan …….”

” Hal Sadar oo Madax weynuhu Saxeexo ayaa Dhici kara Kumanaan Qof inuu sameeyo, Dhakhtarkuna….”

Hargeysa(Togaherer)-Akhyaarta qiimaha Badan ee Hawada naga dhagaysanayow ku soo dhawaad barnaamij Cusub oo aanu aanu idiin soo kordhinay kaasi oo aanu ugu magac darnay Shakhsiyadda toddobaadka, isla markaana aanu si taxane ah idinku soo gudbinayno annaga oo Toddobaad kastaba hal masuul soo marti qaadayna.

Toddobaadka Barnaamijka Waxa inoogu Marti ah Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Dr. Gaboose) oo ah Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UMADDA, kaasi oo Bulshada Dhexdeeda Magac ku leh isla markaana Saaxadda Siyaasadda in badan ku soo jiray Xilalna ka soo qabtay dawladihii dalka soo maray oo ay ugu dambaysay tan haatan talada haysa ee Madaxweyne Sillaanyo.

Dr. Gaboose waxaanu ka waraysanay shakhsiyadiisa, Halkii uu ka dhashay, Waxbarashada ka bilaabay, goortuu siyaasadda ku biiray, iyo waliba amuuro kale oo ay kamid yihiin sida uu u arko aqoonta ay bulshadu u leedahay.


Dr. Gaboose waxa Waraysi dheer la yeeshay Wariye Ibraahin Axmed Cismaan oo kamid ah Weriyayaasha da’da yar ee reer Somaliland, khaasatanna ka hawl gala Idaacadda Radio Hargeysa, isaga oo wakhtiganna kamid noqday bahda Togaherer Media Group.

Waraysigan oo Digtoorku waxyaabo kala duwan kaga hadlayo waxa uu u dhacay sidan ee dhagaysi haboon:

 

Weriye Ibraahin Cismaan Axmed

Warqabadka Togaherer

Hargeysa, Somaliland

+252 2 4028605

togaherer@gamil.com

Comments are closed.

Waraysiyada iyo dhacdooyinka
Qormooyin Khaas Ah