ToggaHererNews.com » Duulaankii Hagoogane iyo gebgebeyntii Daraawiish iyo Qoraxay 1920
TOGGAHERER NEWS

Duulaankii Hagoogane iyo gebgebeyntii Daraawiish iyo Qoraxay 1920

Duulaankii Hagoogane iyo gebgebeyntii  Daraawiish iyo Qoraxay 1920 .

 

Waxa sanadkii 1999kii dalka Sweden buug ku malmaluuqay nin la yidhaahdo Abdullaahi Hassan Rooble  , buugaas wuxu ugu magac daray gabayadii Guba wuxu u bixiyay buuga “Silsiladda Guba” wuxu buugiisa ku andacoonayaa inay dadkuba kala ahaayeen Daarood raacay Daraawiish iyo Isaaq raacay Ingiriis “typical Daarood narrative“ , taariikhda Gubana wuxu ka bilaabayaa hantataatacay ka barteen Aw Jaamac aa ah “gaalo iyo cawaankoodii” wuxu yidhi ninka Abdullaahi “markii Ingiriiska iyo Soomaalidii cawaanka u ahayd dagaal ballaaran oo cir iyo dhulba leh ku qaaday Daraawiishta fadhiday Nugaal 1920kii iyaga (Isaaq) oo ka faaiidaysanaya fursada qaaliga ah ayuu ciidan tiro badan oo somaalidii Ingiriiska raacsanayd oo sooc ah oo uu abaanduulle u ahaa Xaaji Maxamuud Waraabe oo Habar Yoonis ahaa , waxaana abaabulay janan Ingiriis ah oo magaciisa la oran jiray Sir Geoferry Archer”

Isagoo sii wata mala awaalkii ayaa wuxu odhanayaa

“markii daraawiish laga soo jeestay waxa mammalian Ingiriiska dadkii jacana go’aansadeen in qolooyinkii Daraawiish taageereeyay ciidamo iyo cudud la dul dhigo si aanay mar danbe madaxa ula soo kicin . Kolkaas ayaa habar Jeclo Dhulbahnate dhulkisa ku durugtay oo Nugaal ka saartay. Habar yoonis iyo ciidagale ba waxay markiiba ku duuleen carro Ogaadeen , waxayna qabsadeen oo isku ballaariyeen Walwaal, Wardheer , Bulaale. Labada qolo midtown ma lahayn awood ay iskaga celiyaan Isaaqa hubkiisa, Ingiriisku markii uu daraawiish iyo taageerayaasheediiba meel ku hubsaday ayuu u soo jeestay iny dhulku haystay nidaam dawladeed ka dhaqangaliyo“.”

Abdullaahi Hassan Rooble Guba buug kama qorin ee wixii uurka reerkiisa ku jiray ayuu buug ku daabacay, Taleexdu leeyeey cid baa lagu weeraray iyo Midhisho iyo Jiidali iyo Barran, Taleex iyo Barran ba waxa cods day in Daraawiish looga xoreeyo qabiilada Harti oo ceelashoodii iyo daaqoodiiba Daraawiish ka xoogtay maatadoodiina u soo qaxeen marsada Berbera , Maxamud Garaad, iyo Faarax Garaad ilaa duqoodii Cali dhuux waxa loo soo qixiyay Berbera , Hagar Adan iyo Wacays Adan laga bilaabo 1903 sidu Ltd Kirk buugiisa ku sheegay waxay u magan galeen Habar Yoonis Burco.

Haday Daraawiish ahayd Isaaq Vs Daarood siday u dhigayaan Jaalayaasha kacaanku , Dhulbahnate uma soo qaxeen galbeed Sacad Yoonis iyo Muuse Ismaaciilna kumay hadhi lahayn Jiidali iyo Midhisho, malaa jaalahan waxa ka qaldan inu dhulkaasi yahay dhul Isaaq. Dhulbahnte baa taabcsanaa Daraawiish oo waxay ka soo qaxeen Daraawiish Ingiirisna way u soo qaxeen !!! Isaaq baa Ingiriis taabcsanaa oo Midhisho iyo Jiidali bay awood ku joogeen ??, waxaas oo dhan waxa burinaya dhacdada markii Daraawiish laga saaray Taleex cida mashxarada la wareertay oo wada ahayd Daarood dhulkoodii looga xoreeyay horarkii ina Cabdulle Xasan iyo yeydii la baxday Daraawiish. 

Wadaadku laftiisuba taas waa ka marag-furayaa oo gabaygiisa Dardaaran ee waxyaabaa badan lagu daro waaka arintaas damashaadka Daarood ku sheegaya inay ayagu jabkiisii u qaateen xorinimo ay xoroobeen. Maadama dagaanada Isaaq (H.J iyo H.Y) Daraawiish aanany weligood qabsan jabkii Daraawiish wax sidaa u weyn Isaaq kuma soo kordhin .

Jaamac Xirsi Guuleed 1898-1976 oo cajalad aad u qiimo badan Ina Diiriye Caraale kaga duubay Jaamac oo gabobay 1974kii. Inkastoo aanu jirin nin nolal ku soo gaadhay taariikhdii Guba marka laga reebo Ina Dube (Jaamac Xirsi Guuleed) cajaladiisana u maqlay Jaallaa buuga qoray , hadana wuxu ka doortay ku-tiriku- teentii Daaroodku isla dhex marin jiray ee ahayd “cali baa afka la qabtay” iyo “gabay baa laga maqlay Makhaayad” .

Jaamac wuxu yidhi Daraawiish oo markaas haysatay dhulkaas  gaar ahaan ceelka Wardheer intay Daraawiish qoriga ka soo jeediyaan labada Daarood ee Wardheer ee Ilaalada ah ayaa wax alaale iyo wixii Ogaadeen ah ee ceelkaas ka caba bartaas lagaga toogan jiray, Jaamac Xirsi wuxu yidhi Isaaq Daraawiish bay dhulkan ka riixeen kana xoreeyeen ee Ogaadeen carada ma joogin oo Daraawiish baa qixisay oo markay Habar Yoonis qabsadeen Doollo ayaabu Ogaadeenkii la qixiyay dib u soo laabtay oo dib ceelsha uga cabeen .

Meel u Ingiriis iyo Sawaaxili cid intu shiriyay yidhi dhulka halaga riixo iyo madaxa yaanay la soo kicina ma jirto ee waa khayaaligay ku murqaamaan qoloyaha Jaale Daarood, oo nina ma jecla inu yidhaahdo waa nala jabiyay oo cudud iyo awood baa nala dul saaray. Hadii hub laysa siiyo dhul lagu qabsan lahaa Abdullaahi Hassan Rooble qoladiisaa ku qabsan lahayd oo hub qabiil Somali helo taariikhda Somali cidna kagamay badnayn hubkay Daaroodku ka heleen Dawladii Afweyne , dhul ay ku qabsadaan iska daayoo intii hore ay daganaayeen ayaabay ka haluuleen. Hadii hub-gaal darajo aanu qabiil awal lahayn hominy , cid ka hub badnayd Majeerteen iyo Warsangali ma jirin hadana weligood may dhaafin afarta cariish ee xeebaa Bandar Caluula. Inkastoo dagaalada Daraawiish iyo reerka Isaaq ba iska yaraayeen oo reerka dhibta ku hayeen ahaa isla Daaroodka, Duuflaalku hadana tiro dhowr guluf iyo dagaalo baa dhex maray reero ka mid ah H.J iyo Garxajis ,tusaale geelii Dayax Weerer 1899kii (Ciidagale) iyo Geelii Daboolane (H.Y) 1909-1910 oo Dooxatadu reero iska dagan mirtay, dhanka kale na tiro ilaa 5 Goobood oo Isaaq kaga guulaystay xoolana ka qaaday Dooxatada ay ka mid ahaayeen goobtii Caado 1917kii , goobtii Kal-Xoor  ,Goobaa kale waxa ka mid ahaa Ilko-Cad , Gebagabo iyo Kal-Xoor uguna danbeeyey dagaalkii Hagoogane.

Duulkaans waxay taariikhdu xustay in markii la soo didiyey colkii 6da kun ahaa ee Daraawiish xoolii ugu badnaa taariikhda Somalina la soo qaaday ayaa raggi guulaystay kibir la hagoogteen , marna sababta waxa lagu tilmaamaa inay markii labada col fooda is dareen si labada col ee tirada badan loo kala garto ayay Hagoogteen ciidankii Xaaji Waraabe.

 Almost before the ergo had voiced these sentiments there was to be striking proof of the wisdom of their forecast. For a party of Khalifs Dervishes and Ogaden made a successful raid on our tribes living near the southern frontier, driving off a large number of stock and killing many men, women, and children. For some years past the British Government had forbidden its tribes to raid the Ogaden in Abyssinian territory; but the latter, uncontrolled by their Government, fyad been free to advance into Britishterritory and loot our tribes living near the frontier whenever they wished. On the whole, our subjects had abided loyally by the Government order, but, in so far as they were by far the stronger, it had naturally been most irksome to them to do so. They now decided that the only course open to them was to advance in force against the u Dervish-Ogadenelements and smash them before they could become a yet more serious menace.

 

Intaay erigadiiba soo laaban ayaa waxa dhacay guluf u Khaliifa Sheekh Maxamed isagoo ciidan Ogaadeen ah wata geelal Habar Yoonis ah weeraray oo qaaday , rag badana laayay iyo dumar iyo caruurba.

Sidu Secretray ga mustcamarada Ingiirsaba sheegay Douglas Jardin 1916-1921 qabiilada Xuduuda Ethiopia daga (Garxajis) ayaaba ku dulmanaa maamulka Ingiiriska oo sababtuna ahayd Garxajis duulaan Ogaadeen ku qaado na waa lagu maanicay , Ogaadeenka oo Xabashi hoos yaalay duulaankiisa dan kamay lahayn inay xakamadeeyaan. Duulaankaas Khalifa iyo Ogaadeenkiisii ka dib waxay qabiiladu go‟aansadeen inay markan hogooda ugu gali doonaan Ogaadeen iyo Daraawiishba .

 All the responsible leaders were of this opinion, and when they approached the local Government to ask if they might put their project into effect, there seemed to be no further justification for adhering to a one-sided arrangement whereby our people, though the stronger, were restrained by their Government from raiding across the border while the Ogaden, free from all the shackles of civilised government and openly hostile to us, were at liberty to attack British subjects in British territory as and when they pleased. Consequently Akil Haji Mohammed Bullaleh, commonly known as Haji Waraba, or the holy hyaena, on account of his truculent and martial qualities, was allowed to organise a tribal army of some 3,000 Habr Yunis, Habr Toljaala, and Dolbahanta fighting men. Towards the end of July, 1920, they reached the Mullah’s haroun at Gora’h, west of Shinileh, where the Mullah and some 800 Dervish and Ogaden riflemen were concentrated. Khalif and the Mullah’s eldest son Mahdi had but recently died of the smallpox which was ravaging the district. The attack was delivered at dawn.

Halkaas waxa ka cad inaanay wax shaqo ah ku lahayn Ingiriis qabaailkii guutada Hagoogane isu keenay oo ay iska tahay wixii laga bartay, laakiin dawalada Ingiriiska oo awal dagaalada lagu qaado Ogaadeen mar kaste hor joogsan jiraty xoolaa laga soo qaadana dib u calin jirtay markan way iska indho tirtay duulaanka qabaailka oo may hor joogsan.. Colki Hagoogane dawlad Ingiirsna shaqo kuma lahayn qabaailkii ay awal ka hor jogtay duulaan ay ku qaadaan dhulka Ogaadeen ayay markan fasxaday oonay hor joogsan siday awal u hor joogsan jirtay oo xataa marmarka qaarkood xoolaa Ogaadeenka laga qaado loo celin jiray sidii kuwii Xaaraama-Cuno.

Ciidanka waxa loo abaanduuleeyay Xaaji Waraabe 3000 oo H.Y iyo H.J, Ciise Muuse iyo 200 oo Dhulbahnate ah, goor subax hore ah ayuu coolkii soo galay Qoraxay. Ciidankaas waxa ka mid ahaa 12 gabayaa iyo 20 faaliye sidu u soo wariyay taariikhyahnkii Xaaji Maxamuud Daallin (1868-1990), habeen ba nin ayuu Xaaji waraabe odhan jiray gabay habeena nin baa faalin jiray. Ciidankaas oo dhexda ku soo jira oo ka soo kicitimay Buhoodle oo laga soo abaanduuleeyay goobtaas, 200 oo Dhulbahnate ahna soo raaceen colka Isaaq .

Colkii Daraawiishta oo ayagana imitaankoodii Qoraxay ku beegnaa colka Buhoodle ka soo duulay, ayaa waxay la soo dageen beeshii gabayaagii Qamaan Bulxan Qamaan Bulaxan(Ogaadeen-Maxamed Subeer) iyo reerkiisuba la col bay ahaayeen Dooxatada oo sanadkii Dayuuradaa waakii Qamaan Bulxan iyo Xarbi Dheere Ba dhaantada u ciyaarayeen sarkaalkii Ingiriisiga ee Carshe Dheere Qamaan maalintaas wuxu ku heesay taageeraday Ingiriiska u hayaan iyo inay ka barbar dagaalami doonaan duulaanka dhow ee 1919,

Wuxu Qamaan oo ciidan Ogaadeen ah wata Hargaysa 198-1919kii ugu dhaanteeyay Caarshe Dheere iyo Maamulka Muxamiyada.:

Raggi Qoraxay iyo Qalaafoo jiroo

Qamaan u hormood-yaahan nahaye

Daraawiish raggii ka diiday colkoo

Dagaal ka horjeediyaan nahaye

Ragaan ka baqayn balaayada oo

Badheedh u beer dhigaan nahaye.

Sidii ololka iftiin badanow

Caarshow wiil amiiraad tahaye

Sidii onkodkii arkaa baxayaa

Dhaandhaamo afkoodii weeyaan

Daraawiish raggii ku duuli jiroo

Deldeler doorarkoodii baanu nahay

Taleex ninka degay ku deyn meynee

Annana waan ku daafacaynaa

Inu Xarbi xoolo gabay cuno

Xalaalnimo kuma istaahilo

Ninkii cududlaa ciyaari karee

Caleen iyo ubax carfoon badanbaa

Caarshoo mudan caawa loo sidaye

Ninkii calan le baa caweyn karayee

Ingiriis cududiisu weynaa.

Dhaantadaas Qamaan Bullxan iyo Ogaadeen waxay ka daadagi wayday Aw Jaamac iyo Idaajaa , bari dhawayd ayuu Axmed Idaajaa ku daray arintaas in Qamaan u ku xigay Cali Jaamac Haabiil oo isna tiriyay baraanburkii “ Sidii Habar Dhali Weyday” isagoo weliba hore cajoled ku dubay inu baraanburkaasi ahaa 1956 , ayaa sidu Qamaan Bullxan arinta uga duwo ayuu Cali Jaamac Haabiil oo noolaynba 1919kii ku masabiday baraanburkaas u isagu alifay.

Markii Qoraxay laysugu yimi ayaa iyadoo la wada cawaynaayo ayaa  ina Cabdulle Xasan yidhi “waar anaku hadaanu nahay reer Taleex weys naago-niqiine qoladiinan reer Qorraxay dumarkiina tee u qurux-badan”

Ina Carro oo ku caan baxay dumarka faraa badan oo hadba naagtu damco ninkeeda ka dhufta oo markaas ilaa 36 dumar ah wuxu furay iyo wax u qabayba lagu ogaa ayaa marku hadlakaas yidhi qoladii Ogaadeenkii yara aamuseen, nin isla beesha dagaanka ah baa ugu jawaabay “sayidii” naag waxa noogu qurux badan Naado Buraale, dee Naadana adaaba qaba” Duuflaalkii baa yidhi ” waar Naado waa laydin ogyahee yaa kale” nin la odhan jiray Gaashaan baa markaas yidhi “sayidii” laguu waran:

Gaashaan wuxu yidhi:

Qoraxay badhtankeeda iyo

Billaadkan naagaha jooga

Bilcaan reero qabaan iyo

Carmal waa hore la buubshiyo

Inan feedha baarkiyo

Boojaal weyn iyo dhoocil

Isu soo bixiyo

Barni sheekh Cabdillaa

Bilaadkan u qurxoon

Cadaanta wa bil Iftiinta

Guduudka waa Barni luula

Dhararka iyo baaxda joogta

Geri weeye bidhaanto

Timuhu waa bulay-cad

Cirridku waa bad madow

Laxaadkeeda balaadhan

Marka ay babacdee

Bidixda laafiyo qurxoon

Baxaaligeeda hanaanka

Dabciga loo boholoyoobo

Marka aad barato

Biligeeda hufnaanta

Edebtaa lagu beeray

Aduunku waa wax balaadhane

Hadii aad dhex butaacdo

Il iyo baalkamaqaadid

Barni sheekh maqalkeeda

Barigee kuugu horreysay

Markuu Gaashaan tixida dhameeyay baa Duuflaalkii yidhi Barni Sheekh yey u dhaxday , marku yiqiinsaday inay u dhaxday Qamaan, buu hadana yidhi isagoo Qamaan la hadlaya ” Adigu Qamaanow gaal baad tahay oo meher kuuma qabtee maad naagta ii keentid” Qamaan baa intu naxay yidhi ” sayidii hada Muslin Daraawiish ah baan ahay” Duuflaalkii baa yidhi ” bal aan naagta kuu daayee horta i tus” Qamaan oo tallo ku ciirtay baa qiil wuxu ka dhigtay cudur isagoo geeraaraya

Qamaaan Bulxan wuxu yidhi

Saydidii cudur seexshaa

dadka oo soconaayiyo

fantaa saabatay reerkee

Beriga uu safku dhaafee

Caafimaad nala siiyaan

Taa ku soo tusayaaye

Ha ahaato sidaase

Sayidii ma sugnaa?

Qamaan habeenkaas wuxu ku talo goostay inu geeliisa iyo xaaskiisba la goosto oo ciidanka Daraawiishta ee hadheeyey ina Cabdulle Xasana dul dhigay reerka dhinacuun u dhaafo oo si uun uga baxsado. Ilaahay amarkii dhanka kale colkii Hagoogane ayaa Qoraxay soo dul fadhiistay, Xaaji Waraabe oo ilaaladiisii ilaalinayso ayaa raggi gabayaa ahaa isugu wada yeedhay iyo raggi faalin jirayba wuxu xaaji Waraabe yidhi ” raggi gabyi jirow caawaa gabayga idinku danbaysa caawa bahalkaa sumad ku dhig , raggi faalin jirowna bahalkaaga sumad ku dhig , maxaa yeelay bari waxaynu is galaynnaa Huwan iyo Daraawiish caawa nin walawba waxba hala hadhin” nin baa kacay la odhan jiray Dhaban Leexshe wuxu yidhi ” caawaan sheegayaa ninkii i watay, halkay nimankaasi wa dhigeena eri dhigi maayo, murankaanu diidayaayoo cidlaan u kacayaa muran l’a ah”

1- aroorta markaynu dareerno ee dhabadaa marayno garanuugta lamaan ee dhasha wadata ee xagaafka ordaysa ee guutada meel ay ka dhaafto weyday sii daaya hayna dhaaftee.

2- midna waa muran l’a , markaynu taas dhaafno ee xarunta in yar u jirno qaalinta madow ee dhagaa go’an ee abeerka ah ee geela xarunta fadhiiya ka soo fool dhacday, hashaasnasii daaya hayna dhaaftee

3-midna muran la weeye, markaynu xarunta galo dameerka madow ee marku in arko danaaniyi doona ee xarunta kicin doona nin boqor ah oo madax ahoo madi ah ayuu durayaa, xabada ugu horaysa Xaaji Waraabow dhafoorka kaga dhufo. Gabayagaai Gamuute wuxu yidhi habeenkaas:

Ilaahii i abuurayee

Illaliinka ahaa iyo

Udgoonoow Nebigii

afartii amaranaa

awowgay sheekh Isxaaqow

arrinkaan la tiraabo

Aqbalkiisa i sii

Eeraaney ku kaxaynay

Asluubey ku xabbaadhnay

Arbow Xaaji Waraabe

haddaan geela Awaadho

Haddaan Oohow idhaahdo

Illintuu ka gelaayo

Haddaan Oodda ka jiido

Haddii Eebbe ku siiyo

Markaas aad aragtaan

Hashaan geela ka aawo

In lay (iiri) doono

Axdigeeda i sii

Ugub weeye guduudanoo

Aydhin weeye maqaarloo

Ayaamii Toddobkiibay

Awr madow ka qaleenoo

Afarteeda Iboodna

Sidii Laas la af gooyey

uun dhabay harqisaa.

3dexdii arimood ee faalayaa markii la arkay ee labadii col is galeen , ayaa sidii caadada u ahayd ina Cabdulle Xasan firdhaday isagoo dhaawac ah oo dhaawax halkaas naaska dabaddii ka gaadhay, colkiisiina kala yaacay, gidii maalintii wuxu maadhiinku qalceeyaba Isla markii dagaalku bilaabay Xaaji Waraabe isagoon dhinaca eegin ayuu toos u weeraray hoygii Ina Cabdulle Xasan oo aqalkiisii daaha ka jaray oo u galay:

All who stood and fought were killed by our tribal army; and some 60,000 head of stock and 700 rifles, numbers which give some idea of the growing strength of the Dervish- Ogaden concentration, were afterwards brought back into British territory. At the first onslaught, Haji Waraba himself, anxious to win the price set on the Mullah’s head, had made straight for the Mullah’s hut only to find that its occupant had fled. He must, however, have been taken very much by surprise : for his tea was still hot in its cup and his skull cap lay beside it on the ground. After calling upon the riflemen to hold up the attack until he had had time to get away, he had galloped out of the camp with a few of his intimates, intent as usual on saving his own skin.*

Xaaji Waraabe qacdii ugu horaysayba wuxu weeraray teendhadii Wadaadka loogu sheegay, marku daahii ka rogay wuxu arkay meeshii oo cidlo ah, tusbaxii wadaadka , koofiyadiisii iyo shaah,inkastoo  ina Cabdulle Xasan ahaa nin aad u shilis hadana hibo gaar ah oo ayuu lahaa orodka dheer  , markiiba isagoon xataa dumarkiisii iyo caruurtiisii eegin ayuu firdhaday. Qamaan colkaas soo duulay ayuu ku badbaaday Barni intu gacanta qabsaday isagoon xoolana haleelin isna dhinac u cararay.

Markii xaruuntii la qabsaday Daraawiish ku sheegiina laga dhigay waxa dhintay iyo wax carary ayaa Gamuute u yimi Xaaji Waraabe isagoo baadi goobaya hashii Gabayaaga oo ka luntay kana raacday xoogaagii Dhulbahnate ee ku jiray guutada Hagoogane,Gamuutaa yidhi ” inadeerow Xaaji Waraabe , aduun waa yaabe , hashii aad ogayd waxay iga raacday colkii Dhulbahnate, inadeer hadii la guuro ka heli kari maayee, Col igu dar aan kala dhex baxee”. Xaaji Waraabe ayaa intu laba nin amray yidhi “Ismaaciil Faarax Waab iyo Xaaji Khalaf waxad tidhaahdaan ,bari nin guuraa ma jiro ninkaas 100 nin oo dab le ha raacaan ,ardaa walba oo dhulbahnate ah halaga baadho,” markii hashii la helay ayaa isagoo qoslaya Xaaji Waraabe ku yidhi Gamuute “abaahaa la janeeye hada maxaad odhan lahayd adaa hashii lumiyee”

markaasuu Gamuute yidhi:

Gaanniga Waraabe iyo hashaan guuriska u soocnay

Raggii wada gammuurraa hashuu golongolee dhuubtay

Gaadiidka xoogga leh hashii garabku iimoobey

Gurguurrshaa awrka ah hashii Galawga loo taabtay

Gahaydhkii Dannood iyo hashaan gudurigaw ruugey

Gaaliyo hashaan ula col baxay gaasamo is raacay

Wixii gacal cid ii xigey hashaan goonni uga duuley

Nin xigaaladii gaanji tahay geel ma saanyado’e

Solamadow hashaan ula gedbaxay Gulufki reer Daahir

Guutada faraa badan hashii goob isugu keentay

Galaayuuska subaxdii hashuu Galawgu dhiillaabay

Feedhaha hashaan uga guntaday gocor ma yeeleene

Gurraati iyo haddaan Hara-Digeed Gocay horuu dhaafshey

Geyigiiba waxa iiga hadhay galab carrawtiine

Anigoo gacmaa laabtayoo gibil madow yeeshay

Mar haddii raggaa ila ged ihi geeyo halihiisa

Gadhcaddihii adoogay ahaa way garnaqayaaye

Markaan gurigi geeyana Libaax geesta haw rido e

Guullow Allahayoow hashaa galabta hay seejin

 

Guutadii Hagoogane waxay soo dhiciyeen xoolii Daraawiish Somali ka dhacayeen 20ka sanadood eey lahaayeen Gaalaanu la dagaalamaynay oo dhamayd 50,000 oo neef iskugana jirta geel, lo’ iyo fardaba. Ina Cabdalle Xasan wuxu u cararay xagaa iyo Iimey oo ka dib gabadh 14 jir ah ku guursaday qabayna ilaa 6 bilood dhawaacii Hagoogane uga dhintay (gabadhu waxay 2005kii ku noolayd Beledweyn ayadoo d’a ah sheegtayna inu dhaawacaas u dhintay mar laga waraystay internet ka “) Jamaad Cabdule Xasan oo ina Cabdulle Xasan walaashii ah iyo Naado Buraaladii ugu qurux badnayd xaasaskiisa marku ka carary waxa qasab ku guursaday sultaankii Oromada  waatu Xuseen Dhiqle ka tirinayo gabayga “Qeyb Libaax” ee calaacalka ah, Xuseen markii Jaamaad iyo Naado oo ahayd xaaskii ina Cabdule Xasan midna walaashii ahayd ka cararay ayuu Xuseen Dhiqle oo jeclaa Jamaad la baxsaday oo magan galeen Oromda Caruusiga ah, maalintii danbe ayaa loo soo geed fadhiistay labadii naagood , Xuseen ooy ogyiin Oromadu inaanu ninka u magan ka ah naagaa u diidi karin baa gabayga Qeyb Libaax ku calaacalay markay kaxayatseen labadi naagood Caruusuu, Xuseen wuxu yidhi:

 

Qiyaashow libaax baa dhurwaa, qaybi yidhi soore

Wuxuu yidhi hilbaha jeex bal qabo, qoon dhan baan nahaye

Markaasuu qabbabaalihii, qoonsadoo dilaye

Dharbaaxuu il kaga qaadayoo, hoor ka soo qubaye

Afqashuushle goortuu dhintuu, sii qataabsadaye

Qambaruursi iyo oohin buu, qoon dunuunucaye

Dawacuu kolkaa soo qabsaday, sida qisaaseede

Iyadoo qadhqadhi buu ilkaha, qoorqabkii xoqaye

Wuxuu yidhi qanjaafula xumeey, tali qaddaarkaaga

Adeer gacalle qaar iyo dalool, qaaxo iyo feedho

Qummud iyo baruuriyo legiyo, qawdhihii kuruska

Kuu wada qorsheeyeye Islow, neefka wada qaado

Markaasuu wixii qaday qabsaday, qoobab kadafleeye

Wax la yidhi qabiil ma leh dayooy, qayliyaha aare

Innagoo quruun dhanna maxaa, qado inoo diiday?

Qacdii hore haddaan dayey kobtii, weerku sii qulushay

Badhbaa kuu qisma ah waa wuxuu, eeday qaar yare

Aniguna qudhaasaan ahoo, lay qulqulateeye

Duqii noo qab weynaa wakaa, qooqa loo dilaye

Qaddaarkii Illaah iyo Rabbaan, quud ka sugayaaye

Qudhaydaan u yaabaye miyaan, idin qasaarteeyey

War ma anoon qudraba haynin baa, qamash ka soo waaqsan?

Anna qayb libaax weeye taad, igu qasbaysaane

Dadka igu qoslaayiyo kobtaan, ka qalbi diidaayo

Qadayeey adduunyo uma socon, waad i qaharteene

Qadankii dariiqiyo haddaan, qaniimadii waayey

Labadii qofee nagaga hadhay, qaafadii dumarka

Tii quruxda roonayd haddayCali, la qooqayso

Qudhoo kaliya baa nagu hadhoo, qalabku noo yiile

Tana qaata Naadaba ragbay, qaac u shidataaye

Jamaad Cabdulle Xasan oo dhinacna duraysa reerka Naado Buraale (Khalaf Yuusuf ooy iskugu yimaadaan jilibada reer warfaa, Amaadin iyo Maalin-guurku) oo wada reer Cabdille ah) kuna tuhmaysa markiiba inay Oromadii u godlatay, ayaa gabay ay ku sheeganayso waxay tabanayso oo iskugu jira shuruuda guurkeeda  ayay Xuseen Dhiqle oo baqdin awgeed Oromadii gacanta ka saaray faraysa tidhi Jamaad cabdulle Xasan:

Xuseenow qof meel laga hayoo maadsan baan ahaye

Murugaa igu raagtayoo qalbigu wey madwayahaye

Mid yaroon ku faro iiga gee madaxada reer Dhaadhi

Mudaday shiraan iyo ka wari madasha geedkooda

Axmed iyo Mukhtaar iyo u sheeg qoonka Maxamuuda

Xasan iyo Qiyaash-Maash abtow dhab ugu maaweeli

Malaw dhimo’e reer Muxumadow waa i moogtahaye dhe

Maxaad igu mu’ahateen sidii Naado miis darane

Magaceed ba’ falan baad hesheen oo muraadoah’e

Malaamida Khalaf Yuusuf baad igu maslaysaane

Marwo aabahay dhalay dad weys midho yaqaanaaye

Ninkii aniga ii muhanayow ma ihi caynkaase

Waxan ahay qof godobtiisa maqan miiyeydeed qabo’e

Ee murdad baan habeen iyo dharaar meel la doobnahaye

Macno ma laha xaajada sidaad milicsanaysaane

Maroor kuma godlado goodirkaan micnayn igadh’e

Inkastoo mudaahanada warqado laygu madadaasho

Maqli maayo guur reer Dhaadhi maalik maa jiro’e

Macbuudkii uuntaa qadiray moogan sidan ahaye

Majnuun waalan baan samir aqoon mood haduu helo’e

Mishmishiikhsigii iyo ka tagay milif ka boodkiiye

Magac iyo martabo loo xusho iyo muuno ina Admi

Muquunabay caawaaba hadaad igu murmaysaane

Magantiina goortaan noqday idin miciin mooday

Markab jabay sidiisii weydinkii noo mohoobiyeye

Maatada dabkii laga dhacay iyo maalka noo celiya

Waxay gobi ku maamulan jirtay waa milgo ee yeela

Muslin idinka kii naga xigsada meesha laga waaye

Marantaan idiin noqonayaa hadaan helo muraadkay’e

Marxaba baan la taaganahay hadaan layga maarmayne.

Markii Wadaadkii iyo Daraawiish sidaas u jabeen ee Iimay loo kala yaacay Dhulbahnatihii wakhtigaas sida Cali Dhuux arintan aad bay u soo dhaweeyeen waanay ku damashaadeen oo daaqoodii iyo dhulkoodii nimankii 20ka sanadood ka jalaabutaynayay ayaa mar kaliya laga xoreeyay, Cali Dhuux wuxu maalintaas ku gabayay

Waa lagu digtaa duul haduu kuu darnaan jiraye

Daaduunka ku dhacay aw Maxamed waa ku diirsadaye

Bal dayaay Wadaadkii waakaa sii dabayshadaye

Darmaan qalay Wadaadkii wuxu duunyo offside’s

Gabaygii ugu danbeeyay ee ina Cabdulle Xasan tiriyo wuxu ahaa gabay u reeraa Daarood ee Harti iyo Ogaadeen u tiriyay uu kaga cabanayo digashaday ku digteen , in kastoo waxyaabo badan oo meeshaba ku jirin lagu dardarayo oo nimankii uurka iinta ku lahaa tirinayaan sida Daahir Af-Qarshe , waxa nasiib ayaduna jirta Muuse Galaal oo isla gabayadaas tirinaya, halku Muuse Galaal toos u sheegayo jawaabtu ciday ku socotay oo ahayd nimankii ku digdigtay ee Daarood gaar-ahaan Cali dhuux, Daahir arintaas cajalada waa ku dadayaa.( labada gabayba hoos ka dhagayso 12&13)

Cali Dhuux gabaygaas wuxu kaga jawaabay, inu manta xoroobay isaga iyo Dhulbahantihiisii isagoo le:

Tunka la ima soo qaban wadaad tiina dabadeede
Hadalkii la tuugaysan jiray waa ka toganaaye
Nina ima taliyo ee anaa tay ku meel mariye

 

 

Wax yar ka dib isna waxa gabyay Cilmi Raage oo Ogaadeen ah marku maqlay inu Wadaadkii xijaabtay ayuu gabay digasho ah isna tiriyay u ku leeyahay “waar ma dhimane haduu gabadh islaameed xalustii weyneyd ku hayaa”

 

Iimeey galkeediyo warkii webi kasoo guulay

Ee guurihii noogu  yimid gurigan ruuxiisa

Ganka waan ka diirsaday wadnaha gacaladiisiiye

Goonyaha shan jeer baan is-rogay galindhexaadkiiye

Sida goodir dhalay baa qalbigu ii gunuunucaye

Guuloow ha beenayn xalay gini i siiyeene

 

Haddaasuu garuumaynayaa gabadh Islaameede

Haddaasuu garoob meher la’ iyo garandi haystaaye

Haddaasuu haween ula galbani gobartii waynayde

Haddaasuu cadkuu goosan jiray gawska ku hayaaye

Haddaasuu gojaxa loo karshiyo garaw cunaayaaye…

Haddaasuu galaay iyo baxaay ugu galaydhyayne

Haddaasey u gaardiyahayaan golihii naareede

Haddaasuu Rasuulkii gafsiin qoomka garab yaalle

 

Cilmi Raage

 

Jaale Axmed Idaajaa isagoo ka sheekaynaya dhimashadii ina Cabdulle Xasan wuxu yidhi :

 ” Subax ayuu xanuunsaday fiidkiina naftii bay kala tageen ka dibna waxa lagu aasay buurta Sarmaayo ee Iimay. Mudo ka dib ayaa wuxu Ingiriisku soo diray niman u safar ku magacaabay oo u safar ka dhigay , oo u yidhi lafii iyo qalfooftii Sayidka soo bixiya , markii la maqalay ayaa qolfoofii xabaasha waxa ka saaray nimankii Caruusada madax u ahaa ee reer Dhaadhi, oo Xaaji Isaaq Dhaadhi u ka mid ahaa oo Xamar nala joogay 1970 iyo 1980gii meesha Leegada ee Walanweyn, raggi ka saaray waxay yidhaahdeen wax iska badalay ina ma jirin jidhkiisii iyo lafaihiisii , mararka qaarkood inu noolyahay ayaanu moodaynay”(ka dhagayso qeybta 14aad hoose).

Waxa bari dhawayd la soo daayay cajalad u Idaajaa iyo Aw Jaamac Cumar Ciise ku jiraan iyo niman dawlada kililka-5aad ka mid ah oo le waxa la abadi goobayaa xabaashii iyo qolfoofii Maxamed Cabdulle Xasan, waxa ugu yaabka badnaa Idaaja oo le Wadaadka oo aasnaa dhowr sanadood ayaa ka dib la soo fagay ”wax yar xudinta iyo garka mooyaane” waxba ma noqon waa sidiisii . Qos kaste oo Diinta Islaamka si fiican u yaqaan wuu fahamayaa wuxu Idaajaa u

Qaraamiga Qalcada Taleex oo u Kacaankii maqaam diimeed uga dhigay Daraawiishtii.

Qalcada Taleex waxa dhismaheeda la dhameeyay 1913kii waxana dhisay niman Carab ah oo sancadaas ayagu soomaalida ku dhaama Jidali iyo Midhishana ayaguun baa dhisay, qeybe ka mid ah Taleex weli dhismaheedu waa socdey marku dagaalkii Dayuuradaa bilaabay 1919kii. Daraawiish qalcada Taleex wakhti badan ma dagin oo 1915kii waakii Xaaji Suudi ku taliyay in loo dhawaado dhulka xeebaa Sanaag iyo buurahaas durdurada le , sidaasna lagu dagay Midhisho iyo Jidali oo 25km wax ka yar u jirtay bada dhanka Sanaag.

Waxa qebyta Taleex ku soo hadhay Daraawiish u u sareeyay Aw Yuusuf Bare oon sidaas u badnayn qaadiga Taleex waxa la odhan jiray Qaadi Cali baan filayaa, wax weyn oo culus oo taariikh ah oo ay Taleex kaga duwantay qalcadaa kale ma jirin aan ahayn ka weynaantay ka weyntay iyo intaan qalcadaba la dhisin dhulka dagaankaas waxay Daraawiish dageen Xalin dagaalkii 1904kii ee Jidbaale ka dib. Taleex  oon qalcad laga dhisin 1913kii ka hor Daraawiish wey dageen oo Xallin baan waxba u jirin Taleex, waxa Taleex ku yaal 6 qudbi/xabaalo oo la dhisay qalcada ka hor oo xabaal u ah niman 3 nin oo wadaado ah iyo Daraawiishta nimankii ugu cuslaa.

Intii Kacaankii Afweyne iyo Aw Jaamac iyo Idaajaa ba qlinka u qaadeen Taleex iyo taariikhda cusub , waxa umad dhan oo la yidhaahdo Dhulbahante laga dhaadhiciyay in Taleex ayaga lagu xasuuqay, in Taleex ay ahayd meel ay Dhulbahnate dagaan iyo dayaradu lagu garaacay in ay Dhulbahnate garaacaysay.

Taleexdan Dhulbahnate ku waashay nin Dhulbahnate ma ku dagaalamay?, Dhulbahnate se qalcada Taleex ay ku waasheen darajo ma ku lahaayeen?, taasi waa maya oo waataynu hore u soo sheegnay dagaaladii Taleex daraawiishtii ku dhintay 1920gii, Taleex ma Dhulbahnataa ku aasan qudbiyada ay dul baanaan?

Wixii kacaankii Afweyne ka danbeeyay Daarood lagu wada shubtay in qalcada Taleex 6da  qudbi 3 ka mid ah ay ku aasanyiin Cabulle Xasan( waa  Maxamed aabihii) iyo Carro Seed Magan oo hooyadii ah , qudbiga 3xaadna waxa ku aasan bay yidhaahdaan faraskiisii Dhoodi-meer ama gabadh u dhaxday oo la oran jiray “maryama” waa taariikhii cusubaa ee la seemayay 1970yadii. Baryahan danbe dhowr jeer bay cajalado ka soo duubeen Taleex ayagoo is leh dadkiina qiiro galiya, laba cajaladood oo youtube ku jira waxa ka mid aha labadan hoose , ninba qudbiyadaa Taleex ku dhex yaal wuxu ka maqlay odayaashii Kacaanku waalay ayuu ku tilmaamay, labada cajaladood waxay se ku sheegeen qudbiyadaas dadka ku aasan sidatan:

1- “Saydika” aabihii Cabdulle Xasan,

2- Hooyadii iyo faraskisii Dhoodi-Meer.( video 7 hoos ka daawo)

3-   3 wadaad u ka mid yahay qaadigii Taleex ee Cali, iyo hooyadii Carro iyo xaaskiisii Maryama?(video 8 hoos ka daawo).

 

Suaashii ahayd meeshan Dhulbahnate u waashay ee Taleex maxay ku sheegtaan , suaashii ugu danbaysay ee ahayd ma cid ayaga ah oo Daraawiish ahayd baa ku aasan waa maya, cid Dhulbahnate sheegata oo Daraawiish 3da qalacdood midna taariikh ku leh ma jiro.

 

Nasiib wanaag 1931kii ayaa Ltd Taylor oo ahaa D.C gig Las Anod district sawiro iyo diraasad ku sameeyay qalcada Taleex isaga iyo W.A. MACFADYEN 1931 oo diraasad meesha u yimi u soo direen

 

The Geographical Journal, Vol. 78, No. 2 (Aug., 1931), pp. 125-128 Published 1931

Macfadyen iyoTaylorwaxay qoraalkooda iyo diraasadooda qalcada Taleex ku soo dareen 6da qudbi cida ku aasan waxayna u dhigeen sida tan :

South of the main cave-well is the considerable tomb of ‘Abdullah Hasan senior, well plastered inside and out; it is now said to be empty. Adjoining this on the west is a walled garden with massive gateway and guard-house; the rest ofthe wall is not more than 5 feet high and plastered. There are still odd bushes and signs of cultivation to be seen, but the comparatively deep well in the middle is dry. To the east lies a row of four tombs. The most northerly is that of one Soldan Nur of the Habr Yunis tribe; the next two, neither being plastered. and the first with the top left unfinished, are those of Hawiya notables whose names my Somalis did not know. The most southerly tomb is that of a man of the Habr Jaalo tribe. The isolated tomb still farther east is that of ‘AbdullahHasan’s mother. All the tombs are provided with narrow but very massive wooden doors, swinging about vertical extensions from top and base of one side. A little east of Soldan Nur’s tomb is a shallow nulla, seen as a dark line in the photograph, and known as Hed Kaldig, the Place of Blood. This was the execution ground where those to whom the Mullah had taken a dislike were shot, with or without torture. Had such anticipated trouble and escaped, any members of their families on whom hands could be laid, including women and children, are said to have been shot in their stead, and their bodies left for the hyaenas. After the capture of Taleh pious Somalis collected the quantities of human bones found hereabouts and gave them burial. However this may be there are no human bones about now.  Taleh by W.A. MACFADYEN 1931.

 

 

 

 

Ninka Taylor wuxu sawiradaas qaaday 1920’s kii waxanu baadhitaan ku sameeyay qalcada Taleex , dhismaheeda iyo qeybaheeda ,iyo cidii dhistay , sawirkaas korka waxa ka muuqda dhismayaasha waaweyn ee 3da ah ee sawirka dhanka bidix ka muuqda 3daasi waa Daa- ilaalo ,  waxa ka sii shisheeya waa 6 qudbi (waa 6da banka ku yaal daaraana ka fog) oo 3 ka mid ah cadcadyiin , 3dna dhexda ku jira oo isu dhawo , waxa maqaamyadaas ku aasan oo loo dhisay sidu sheegay Macfayden iyo Taylor oo dadkii wakhtigaas noolaa ka waraystay Daraawiish iyo qaar kale ba :

 

1- Maqaamka ugu weyn waa Cabdulle Xasan (Maxamed  aabihii) , se kuma aasana qalfoofii siday sheegeen dadkii maqaamka laga waraystay 1931kii markii baadhitaanka la samaynayay. Waana qudbiga u soo sokeeya ee midigta xiga ee cad ee ka shisheeya 3da dhimso ee waaweyn .

 

2- Maqaamka  isna cad ee  dhexda  ku yaal kaligii (bidixda) ee ka sareeya 3da dhismo ee waaweyn , waa maqaamkii Suldaan Nuur Axmed Amaan  ahaana asaasyaashii Daraawiishta.

 

3- 3daas qudbi ee bilaa nuurada ah ee safan (hal mid baa saqafka nuurad ku le) waa 3dex nin oo wadaado ah oo Daraawiishta ugu cuslaa , 2 Hawiye weeye sida la sheegay 1 nina waa Habar Jeclo (ninka ugu qudbiga danbeeya) waxaanu ku aasanyay maqaamka inta sare nuuradaysan ee ugu danbeeya, ninkaas Habar Jeclo magaciisa waa la sheegay sidu qoraagu sheegay laakiin 2da nine e Hawiye magcyadooda dadkii la waraystay 1931 wey soo saari waayeen..

 

4- Qudbiga ugu fog ee waxa yar ka muuqdo ee Cad waa qudbigii lagu aasay Carro Seed Magan , waa qudbiga wax yar ka dul bidhimaaya ka suldaan Nuur.

 

 

Halkaas waxa ka muuqda qudbigii Suldaan Nuur guryo ku wareegsanyiin iyo Carro Seed Magan oo ka sii shisheeya.  Dec.2011

 

A little east of Soldan Nur’s tomb is a shallow nulla, seen as a dark line in the photograph, and known as Hed Kaldig, the Place of Blood. This was the execution ground where those to whom the Mullah had taken a dislike were shot, with or without torture. Had such anticipated trouble and escaped, any members of their families on whom hands could be laid, including women and children, are said to have been shot in their stead, and their bodies left for the hyaenas. After the capture of Taleh pious Somalis collected the quantities of human bones found hereabouts and gave them burial. However this may be there are no human bones about now.

 

Wuxu kaluu sheegay Macfadyen , barta tooska ah ee madow ee Suldaan Nuur qudbigiisa ka horaysa inay tahay halkii dadka lagu qisaasi jiray oo la odhan jiray “Hed Kaldig” waa eri somali ah oo si qaldan u qoran se la garan karo macanihiisa. Wuxu yidhi markii ciidan beeleedkii 1920 qabsadeen Taleex , Daraawiishna yaacday ayaa dadkii ahlu diinka ahaa lafihii meeshaas intay ka gureen baryo dhan aasayeen, oo Daraawiishtu marku nin ka baxo wixii Xarunta ku hadha ee dadkiisa ahaa caruur, dumar waxaasba waa la qisaasi jiray, bartaas qudbiga Nuur hortiisa ayaa laga tagi jiray waraabuuna ku cuni jiray.

 

=====================dhamaad================================

 

 

Fiiro Gaar ah iyo gebagebo

 

Gebagebo qoraalkan dheer ee ilaa 100ka xaashadooda ah waxan ilaa bilowgii waday oon bug kaste oo la qoray soo daliishanayay siday taariikhda u badaleen Kacaankii Maxamed Afweyne , Aw Jaamac Cumar Ciise, iyo Axmed Faarax Idaajaa iyo Daahir Afqarshe. Waxan ka bilaabay sidii Daraawiishta loo asaasay, cidii assaastay ayadoo mid kaste qoraaladii Ingiriisku qoreen la daliishanayo , bartii lagaga dhawaaqay oo Burco ahayd iyo sanadkii 1899 markii ay la baxeen magacan Daraawiish, dagaaladii  hore ee 1901-1904 , nimankii Ingiriisku ku sheegay inay Daraawiish ka danbeeyeen (qoraalkii Hayse Sadler) , dagaal kaste 3da nine e hogaaminayay (Suudi , Wadaadka iyo Nuur), dagaaladii sanadkii Dayuuradaa iyo Daraawiishtii cuslayd ee ku dhimatay ee Ingiriisku sheegay, gebagebo waxan ku soo dhameeyay xataa Qalcadaas Taleex ee qolyahan naxaligii iyo beentii Kacaanku waashay xabaal kaste ba ninka ku aasan, ilaa imikana lama hayo wax Dhulbahnate la yidhaahdo oo Daraawiish meel culus ka hayay, aan ahayn askari yar oo Kacaankii buunbuuniyay sida wiilka Ismaaciil Mire.

 

Mid se waan ogahay oo raji kama qabo, nimankaas badheedhay inay beenta ka waantoobaan, waxooda waa cadaysteen oo waa ka ogaan , oo taariikh abuurid ayay u heelanaayeen 40 sanadood gacan-ku-rimis ah, waxa wax kaste ka daran qolyaha Isaaq ee nimankaas sidaas u badheedhay daba nashleeya (seenyo, shaacir, Cawke, ). Wax dhawaan magaalada Hargaysa hudheel ku casuumay Aw Jaamac Cumar Ciise ninka Boobe Yuusuf Ducaale oo isagoo sheegta inu yahay khabiirkii taariikhda SNM , wuxu hudheelkaas ku casuusamy Aw Jaamac , waxa la hor keenay ciyaalkii jaamacada Hargaysa oo laga dhaadhiciyay inu Aw Jaamac yahay ninka taariikhda Soomaaliyeed loo dabo fadhiisto, Shaacir waa joogay , Muuse Cali Faruur, suaalo Daraawiish ah baa la waydiinayay aan emcno weyn ku dhisnayn isna sidiisii ayuu ka sheekeeyay Ismaaciil Mire iyo 2 dhulbahnate ah.

 

Waxan dadwaynaha somaliland kag tagayaa talo ah inaan Boobe Yuusuf Ducaale, lagu halayn qorista taariikhda SNM, SNM ma waxay ka dagaalantay siyaasad uun mise dagaalka SNM waxa sababo u ahaa arimhaas is biirsaday iyo dagaalkaas aasida taariikhda. Nimankaas xabaalii xataa ka dagaalamaya ee Dhoodi-meer baa ku aasan iyo “maariya” ku dagaalamayaa, marku Boobe Yuusuf Ducaale casuumayo u casharo ka qoronayo ninkaas ma lagu aamini karaa taariikh qorista taariikhda SNM ?

 

 

 

Jaamac Guuleed

Gusuf78@hotmail.com

 

1- http://www.bbc.co.uk/somali/news/story/2009/12/091222_taariikh.shtml qeybta 1aad iyo qeybta 2aad

2- http://www.flightglobal.com/pdfarchive/view/1920/1920%20-%201147.html duqayntii ugu horaysay ee Midhisho

3-202 SUN, SAND AND SOMALS

4-THE MAD MULLAH OFSOMALILAND264

5- The Mad Mullah OfNorth Somaliaby R.L.Hess

6- Taleh  W. A. MacFadyen 1931.

7 -www.youtube.com/watch?v=qBgbN3_XD-Y&feature=related

Cajalad ay dhawaan soo duubeen kooxda Aw Jaamac oo qudbiyada ragaas magacyo kale lagu sheegayo.

8- www.youtube.com/watch?v=x7T50HfdIXM&feature=related

9- Dardaaran Muuse Galaal

10- Dardaaran Daahir Afqarshe

11- Xabaashii ina Cabdull Xasan

12- http://www.doollo.com/mainpage/maqal/Dardaaran.rm Dardaaran oo Muuse Galaal tirinayo

13- www.doollo.com/mainpage/maqal/Sayid%20Maxamed/5%20Dardaaran%202.mp3 Dardaaran oo Daahir Afqarshe tirinayo

14- www.youtube.com/watch?v=KHjCC4vky4I&feature=related

Comments are closed.

Waraysiyada iyo dhacdooyinka
Qormooyin Khaas Ah