toggaherernews.com » Editor

ALNUUR FURNITURE oo Hormuud ka noqotay shirkadaha ka qayb-qaata horumarka bulshada
ALNUUR FURNITURE oo Hormuud ka noqotay shirkadaha ka qayb-qaata horumarka bulshada

Hargeysa, February 15, 2012, () – Xafkad abaalmarinno lagu guddoonsiinayay shakhsiyaadkii ugu waxqabadka mudnaa ee sannadkii 2011 ayaa xalay lagu qabtay Huteelka Imperial ee magaalada Hargeysa.

Xafladdan oo uu soo qabanqaabiyay ururka dhalinyarada ee SOYADO, isla markaasna hal-ku-dheg looga dhigay: “Masuul daacad ah iyo ma-danayste hawlkar ah” ayaa ahayd mid lagu dhiirrigelinayo shirkadaha iyo ashkhaasta horumarka ku soo kordhiyay dalka intii lagu guda jiray sannadkii 2011.

Guddoomiyaha ururka SOYADO Md. Maxamed Haaruun Axmed ayaa sheegay inay abaal-marinahan ku saleeyeen ra’yi-ururin ay ka sameeyeen gobollada Somaliland, isaga oo ku dooday in qiimeyntoodu ka turjumayso aragtida dadweynaha.

Guddoomiyada SOYADO waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay kaalinta wax-ku-oolka ah ee shirkadda ALNUUR ugu jirto xarunta agoomaha Hargeysa, iyaga oo sida oo kalena ku ammaanay taageerada ay shirkaddu ka geysato hawlaha kale ee horumarinta dalka.

“Shirkadda ALNUUR Furniture waxay ku guulaysatay inay ka mid noqoto haldoorka horumarka sannadka 2011, iyada oo ku muteysatay horumar iyo dedaal dheeraad ah oo u badan dhinaca taageeridda  ururrada bulshada iyo caawinta xarunta agoomaha” ayaa lagu yidhi shahaado-sharafta lagu abaal-mariyay shirkadda ALNUUR.

Maamulaha guud ee shirkadda ALNUUR Md. Cabdiraxmaan Maxamed Nuur oo madashan kaddib dareenkiisa uga warramay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay mar kale hantiyaan abaalmarinno ka turjumaya shucuurta bulshada, isaga oo xusay inay dedaalkooda halkaas ka sii wadi doonaan, isla markaasna ay taageeri doonaan horumarka bulshada guud ahaan.

Maamulaha shirkadda ALNUUR waxa uu sidoo kale u mahadnaqay dhalinyaradii isku hawshay inay barnaamijkan abaabulaan.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa xidhitaankii madashan shahaadooyinkii loo gartay guddoonsiiyay saddexdii shirkadood ee ugu waxtarka badnaa bulshada kuwaas oo kala ahaa ALNUUR Furniture, Telesom iyo Somtel.

Waxa kale oo halkaas lagu guddoonsiiyay shahaadooyin 17 xubnood oo u badan golaha Xukuumadda,  Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Duulista iyo hawada, Maayarka Gabiley, Maareeyaha Wakaaladda biyaha Hargeysa, Badhasaabka Gobolka Saaxil, Sh. Aadan Siiro, Aamina Maxamuud Diiriye, Xil. Nacnac iyo xubno kale oo badan.